 |
|
Don't have an account yet? You can create one. As a registered user you have some advantages like theme manager, comments configuration and post comments with your name. | |
|  |
Wargelin ku saabsan Aflax.Net Sisters
Asalaamu Calaykum Waraxmatulaah.
Waxaan halkan ugu mahad noqaynaa awalan Allaah, dabadeedna waxaan dhamaan walalaha qiimaha badan ee ka tirasan qeybtan aflax.net sisters ogeysiinaynaa inaan aflax.net sisters ku sameenay dib u hagaajin, isla markaasna aan adgeenay amaanka bogga.
Waxaan dib u naqashadeenay boggan hore iyo qeybta members-ka, waxaan sidoo kale hagaajinay qeybtii is-diiwaan gelinta oo walaalo badan dhib kasoo sheegtay. Waxaan aad iyo aad ugu xunahay in aydaan isticmaali karin magacyadii hore ee aad ku lahaydeen qeybtan sababo la xiriira amaanka boggan, sidaas darteed waxaan dhamaantiin la idinga codsanayaa inaad mar kale is qortaan idingoo raali ah, isdiiwaan gelinta boggana aad iyo aad baan u sahalnay oo kuguma qaadan doonto wax ka badan daqiiqad haddii Allaah idmo, fadlan riix halkan si aad isku diiwaan-geliso maanta.
Dhamaan magacyadiinii hore iyo email-addiinaba waan haynaa, balse waan ka xunahay idinma diiwaan gelin karno illaa aan email idinka helno ama adiga aad hadda dib isku diiwaan geliso , haddii aad caawin u baahan tahay, fadlan nalla soo xiriir adigoo soo gudbinaya magaca aad ku geli jirtay boggan iyo email-kaad isku diiwaan gelisay oo sax ah, haddii kale hadda isdiiwaan-geli insha Allaah.
FG: Xasuusnow marka aad isdiiwaan-geliso, waxaa isla markiiba kuu soo dhacaya email uu la socdo link loo baahan yahay inaad riixdo 24 saac gudahood si aad aktive ugu dhigto koontadaada, sidaas darteed marka aad isdiiwaan-geliso kadib, waa in aad furto emailka aad isku diiwaan-gelisay kadibna aad riixdo linkga la socda emailka kuusoo dhacay, si aktive looga dhigo koontadaada, haddii aad cilad kale kala kulanto fadlan nalla soo xiriir si aan kuu caawino.
Waxaan rajeenaynaa inaad ka helli doontaan qaabkan cusub ee aan idiinkugu sameenay bogiinan haddii Allaah. |
|
 | Ma rabtaa inaad noqoto qof la jecel yahay / la tixgaliyo |
hodanxuseen writes "
Bismilaah wasalaatu wasalaamu cala arasuulilaah, wa bacad, ikhwatul kiraam waxan jecleestay inaan halkan idiinku soo gudbiyo maqaal aad u tayo wanagsan fa'iidooyin badana leh
maqaalkaas oo sida cinwaanku ku xusan yahay ah qofka siduu ku noqon karaa qof la jecel yahay la ixtiraamo.
Runtii qofka markuu is ixtiraamo oo qof muxtaran ah iska dhigo hadal kiisa miisaano wuxuu dhahayana ka fiir sado intuusan oran ayuu noqdaa qof ixtiraaman balse ma ahan inuu doono ixtiraam asagoo karaamadii iska qaaday.
Bal aynu isla eegno maqaalkan ay noo soo diraarisay gabar walasheen ah... "
|
|
|
Posted by adminzaki on Thursday, May 11 @ 21:31:44 CEST (13276 reads)
(Read More... | 3409 bytes more | Score: 0)
|
|
 | Ninkii balanta ku qaaday in uu runta sheego! |
hodanxuseen writes "
Bismilaah asalaama caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu
Waxan jecleestay in aan halkan idiinku soo gudbiyo maqaal ay inoo soo diyaarisay Gabar walaasheen ah kaasoo aad inoo saameeyaa Aan aniga iska bilaabee waxaan Allaah ka baryayaa inuu nagu anfaco markan akhrisano kadib Nagana yeelo kuwo naftooda ka run sheega xusuusta RABIGOOD IYO DAR DAARANKII xabibkeena MUSTAFAA CALAYHI AFDALU SALAATU WA SALAAM . iminkana aan idinka tago maqaalki oo kooban Nafac badanna leh bi idnilaah.."
|
|
|
Posted by AdminA on Thursday, May 11 @ 16:04:52 CEST (4744 reads)
(Read More... | 3844 bytes more | Score: 0)
|
|
 | Quluubta waxay udhexaysa qalayl dunuub iyo raxmada istiqfaarta. |
ummabdallah writes "quluubta waxay udhexaysa qalayl dunuub iyo raxmada istiqfaarta.
1) Qaluubta , axwaashooda iyo noocyadooda:
Waa maxay qalbigu?
Qalbigu waa cad yar oo ku yaala korka dhiniciisa bidix ee laabta , macna ahaana waa Fu’aadka Insaanka oo Ilaahayna Ka hadlay, waana guriga / hooyga Imaanka , Taqwada, Ixtiraamka, Thikriga, Jacaylka iyo Nabadgalyada
sidoo kale waa guriga Kufriga . Nifaaqa , Riyaaga , Xiqdiga , Xaasidnimada , Karaahiyada iyo Walwalka,
"
|
|
|
Posted by AdminA on Thursday, January 19 @ 19:27:57 CET (3468 reads)
(Read More... | 6007 bytes more | Score: 5)
|
|
 | Sheekhi Haybada lahaa: |
ummabdallah writes "Assalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakatu
Sheekhi Haybada lahaa:
Bal ila akhriya waa qiso aad u macaan waxaadna ka helaysaan cibrooyin badan waxayna khusaysaa qof walba oo inaga mida ,
Qisadani waxay ka dhacday Tareen dhexdiisa.
Maalin maalmaha ka mida ayaa tareenku yeedhiyey siidhigii taas oo ahayd calaamad in uu dhaqaaqi doono, dadkii oo dhami waa soo koreen waxaana ugu danbeeyey dadkii soo koray Sheekh Haybad leh,
Waxuu la kulmay dadkii oo wada qaatay qolalkii tareenka
"
|
|
|
Posted by AdminA on Thursday, July 21 @ 21:32:38 CEST (6677 reads)
(Read More... | 8899 bytes more | Score: 4.66)
|
|
 | 10 dariiqo oo lagu kobciyo jacaylka labada is qaba |
ummabdallah writes "Asalaamo calaykum
Qofkii doonaa in uu kordhisto Raasamaalkiisa waxuu raadiyaa siduu ku kobcin lahaa oo ku badin lahaa
sidoo kale qofki doona in uu kobciyo xidhiidhka iyo jacalyka labada qof ee is qabaa waa in uu raadiyo siduu ku kobcin lahaa jacaylkiisa
iyo isu daacadnimadooda marka waxaan soo qaadanaynaa : 10 qodob oo kor u qaada xidhiidhka, jacalayka iyo is aaminka labada qof ee is qabaa
1) In ay is dhaafsadaan hadiyadaha xataa hadii ay tahay mid iska caadi ah, sida hal ubax oo aad saarto barkinta Zawjkaagu ku seexdo hurdada ka hor waxay leedahay sixir soo jiidasho aad cajiib u ah ama Bidaaqad yar oo midab leh oo aad ku qorto kalmado aad u macaan oo u qurux badan taasina waxay leedahay raad reeb aad ugu wayn dhinaca qalbiga, "
|
|
|
Posted by AdminA on Wednesday, May 25 @ 20:47:44 CEST (11216 reads)
(Read More... | 5827 bytes more | Score: 4.17)
|
|
 | Xikamadihii dumarkii saalixadaha'ahaa |
muntahaa writes "Waxaa qortay: Muslimo Ibrahim
Denmark
"waxaan kasoo guuriyey kitaabka Saxaabiyaat wasaalixaat xawla rasuul csw"
Wuxuu yidhi Sh. abu hazaar: waxay igu tidhi Umu dardaa radiyallaahu canhaa abuu hazaaroow makuu sheegaa waxa uuleeyahay maydka sariirta saarani. Waxaytidhi: wuxuu ku dhawaaqaa, ehelkaygiiyoow, jaarkaygiiyoow, iyo kuwa sariirta sidoow, yeyna aduunyadu idin sirin siday iisirtay, yeynana idinku ciyaarin siday iigu ciyaartay, reerkaygii shay igamay qaadin qaarkamida danbiyadaydiiye.
Bint bahluul aldimashqiya waxay tidhi Alle ha u naxariistee:
Nimcooyinku waa uun waheshada Alle {subxaanahuu watacaallaa}
Qofka qaafilka ahi wuu seexan oo ma tooso, saacadiisa ayna digriga Alle ku jirina dhadhan male.
Waxay ku ducaysan jirta { illaahayoow laba haysoogu kay darin, inaan kuwaayo iyo cadaabkaaga}"
|
|
|
Posted by AdminA on Sunday, February 27 @ 12:58:35 CET (4490 reads)
(Read More... | 2966 bytes more | Score: 4.33)
|
|
 | Gabaryahay inta aan lagu xisaabin is xisaabi |
 Waxaa qortay: Caasho Cali xasan
Columbus, Ohio.
Waxaa laga soo guuriyey qisadaan kitaabka (Azamanu Qaadim):
Waxaan qisadaan u soo gudbinayaa akhris-tayaasha
muslimiinta ah gaar ahaan gabar kasta oo muslimad ah inay ahaato mid ku cibro qaa-data
qisadaan, nafteedana xisaabiso inta aan Alaah xisaabin.
Qisadaan oo ah mid dhab ah waxay ku bilaa-batay sidan; Waxay bilawday walaashay wajigeedu inuu
bedelmo jirkeeduna daciifo laakin siday mar walba ahayd, waxay akhrin jirtay qur’aanka.
Haddii aad raadisid waxaad ka heli meesha ay ku tukato iyadoo gacmaheedu kor u taagaysa, Allaah baryaysa, sidaa ayay ahayd mana dhaafi
jirin mana daali jirin. Aniguse waxaan aad ugu dadaali jiray akhrinta buugaagta sheekooyinka iyo kuwa fanaaniinta.
Waxaan daawan jiray TV in ta badan, mana gudan jirin waajibka laygu leeyahay si dhamaystirin, salaadana ma ahayn mid u
tukata si toos ah. Ka dib markii aan xiray fiidiyowgi aan ka daawanayay filmaan-ta kala duwan muddo saddex
saaca oo isku xigta, ayaa aadaankii salaadda subax
laga adamay masaajid noo dhow, waxaan aaday sariir-taydii si aan u seexdo, wax-aase ii yeertay walaashay
iyadoo fadhida meeshii ay ku tukanaysay, waxy tiri iyadoo si qabaw iila hadlaysa “ha seexan adi-goo
aan salaada subax tukan”, anigoo dhib-sanay ayaan iri Ooh waxaa ka hartay sacad
aadaankii aad maqashayna waa kii hore.
|
|
|
Posted by AdminA on Wednesday, February 16 @ 16:46:04 CET (5455 reads)
(Read More... | 9010 bytes more | Score: 4.31)
|
|
|  |
|
There isn't a Biggest Story for Today, yet. | |
| 
|