Maxaan u baahnahay si aan aflax u isticmaalo:
Waxaad u baahan tahay si aad webkan sidda ugu fiican aad ugu isticmaasho in browser-kaaga
aad ku samayso update, oo aad soo dajisado version-kii ugu dambeeyey
ee browser-kaaga laga soo saaray, sidda in aad soo dajisato IE8, firefox 3.6.6 ama
mid kasii dambeeyo hadii uu jiro.
Waxaad kale oo aad u baahan tahay flash player oo aad halkan kasoo dajisan karto, Marka aad webkan Adobe uu kuusoo baxo, riix botoonka jaalaha ee ay ku qoran tahay "Agree and install now", marka la dhameeyo xareynta barnaamijka waxaa laguu soo qorayaa fariin ah in si guu
leh howsha ku dhamaaday. Kadib waxaad dhagaysan kartaa/fiirsan kartaa dhamaan
kheyrka ku jira webka.
Login:
Marka ugu horeyso ee aad webka soo gasho waxaan kuula talinaynaa in aad login samayso, si aad u
isticmaali karto webka qeybihiisa oo dhan. marka aad login sameenayso waxaad
isticmaalaysaa: username-ka iyo password-ka aad isku diiwaan gelisay.
Forgot password:
Haddii aad hilmaanto password-ka aad isku diiwaan gelisay, waxaad
riixaysaa forgot password, kadibna waxaad qoraysaa emailkii aad isku diiwaan gelisay marka
aad webka ka noqoneesay xubin, kadibna waxaad riixaysaa botoonka iisoo dir password,
shan daqiiqo gudahooda waxaa kugu soo dhacayo password cusub.
Register:
Si aad webka si fiican ugu isticmaasho waa in aad webka ka noqoto xubin, oo aad webka iska diiwaangeliso,
marka aad isdiiwaan geliso webka waxaad ku yeelanaysaa username iyo password aan cid kale kula
isticmaalayn, kaas oo aad isticmaali doonto mar walba oo aad webka soo booqado, isla markaana
waxaa laguu fasaxayaa qeybo badan oo webka ka mid ah oo loogu tala galay in ay isticmaalaan
macaamiisha webka ka tirsan kaliya.
Imtixaano iyo shahaadooyin:
Marka aad login samayso waxaad si toos ah ugu qeyb kali kartaa duruusta iyo casharada
aan sidda qaaska ah ugu fasaxno macaamiisheena.
Marwalba oo aan kutub cusub casharadiisa aan bilaabno,
wuxuu maalin walba casharka kutubkaas kuusoo galayaa qeybta aad webka ku leedahay,
halkaas baadna ka dhagaysan karaysaa casharka maalintaas lasoo gashay ee macaamiisha kaliya qaaska u ah,
waxaana maalin walba halkaas kuusoo galaya cashar cusub illaa inta kitaabka ka dhamaanayo.
Kadibna marka kitaabkaas aad dhagaysatay uu dhamaado waxaad usoo fadhiisanaysaa imtixaan oo uusoo diyaarinayo isla markaasna saxayo mid ka mid ah
Culumada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dunida daafaheeda, marka aad gasho imtixaankana, waxaa laguu sheegayaa nadiijada imtixaankaaga, haddii aad imtixaanka ku baasto,
waxaa laguu soo dirayaa shahaadada imtixankaas aad ku baastay oo uu ku qoran yahay magaca sheekha imtixaanka soo diyaarshay, nadiijada aad heshay
iyo halka imtixaanka lakaaga qaaday.
Mar kaliya buu arday walba kali karaa imtixaanka, haddii aad ku dhacdo,ama uu ku dhaafo xiligii imtixaanka la qaadayey, waxaad sugaysaa marka
kale ee kitaabkaas koorsadiisa la bilaabi doono, hal xili uun baana kutub walba casharadiisa la bilaabayaa oo ay kadib ardayda imtixaan usoo fadhiisanayaan.
Imtixaanka waxaa kali karo dhamaan macaamiisha webka oo dhan, qof walbana wuxuu casharka dhagaysan karaa xiligii uu doono ee ku haboon.
Profile:
Marka aad login samayso waxaad si fiican u buuxin kartaa profile-kaaga, adigoo
ku qorayo magacaaga, wadanka aad degan tahay, iskuulka aad ka bxaday/dhigato,
si qof saaxiibkaa ah haddii uu kaaga raadiyo webka uu kugu soo heli karo si sahlan, si uu kuugu
darsan karo qeybta saaxiibada, kadibna aad u wada shaagaysan kartaan marka aad labadiina Online aad tihiin, idinkoo isticmaalaya chat-ka webka ee macaamiisha u qaaska ah.
Add Friend:
Marka aad login samayso waxaad samaysan kartaa liis asxaabtaada ah oo cidii aad doontana aad ku darsanayso
cidii aad doontana aad ka saarayso, waxaad qofka saaxiibkaaga ah ka raadin kartaa webka in uu xubin ka yahay,
adigoo qoraya magaca qofka ama emailka qofka, kadibna haddii aad u aragato in qofka magacan leh uu yahay qofkii aad raadineesay
waxaad ku darsan kartaa liiska asxaabtaada, kadibna waxaa qofkaas loo dirayaa fariin ah in aad doonayso in aad la saaxiibto,
haddii uu ku ogolaado waxaad halkaas ku noqonaysaa labo qof oo saaxiibo ah, kadibna waxaad u wadda chat-gareyn kartaa si qaas ah, marka aad labadiinaba online tihiin.
Sidaan kor kugu sheegnay, haddii aad ku qaldanto qof oo aad liiskaaga ku tarsado oo uu noqon waayo qofkii aad dooneesay ama
aadan rabin in uu kusii jiro liiska saaxiibataada, si sahlan baad ugu masaxi kartaa liiska asxaabtaada,
markaas kadibna qofkaas kulama soo chat-gareyn karo illaa aad adiga ogolaado in aad markale saaxiib la
noqoto.
Friends:
Marka aad login samayso waxaad liiska saaxiibadaa ka saari kartaa cidii aad rabto adigoo riixaya friends halkaas oo lagaa tusayo
dhamaan asxaabtaada kugu jiro liiska saaxiibada, kadibna si sahlan baad ugu masaxi kartaa cidii aad rabto.
Chat:
Marka aad login samayso waxaad argi kartaa saaxibadaa kuwa Online-ka ah, isla markaasna waad la chat-gareyn kartaa, waxaad kale oo iska dhigi kartaa Offline,
haddii aadan rabin in aad cid la chat-gareyso oo aad ku mashquulsan tahay duruus ama aad
daawanayso video oo aadan diyaar u ahayn in aad cid wax u qorto.
Chat-ga wuxuu kasoo baxayaa/ka muuqanayaa halka ugu
hooseeya ee barowser-kaaga, wuuna kula soconayaa bogg walba oo aad booqado isagoo aan kaa go'ayn, qofkii aad la chat-gareeneesay.
Waxaadna mar qura wada furi kartaa dhowr daaqad oo
chat ah oo saaxiibadaada Online-ka ah ee kugu jiro liiska aad kulla chat-gareyn karto.
Messages:
Marka aad login samayso waxaad asxaabataada u diri kartaa fariin, isla markaana waxay dib kugu
soo celin karaan fariin, fariinta aad dirtana ma aqrisan karo cid aan ahayn qofka aad u dirtay,
dadka kale ee webka ka ah xubinta ma argayaan farrimaha aad asxaabtaada ama dadka ka tirsan webka aad u dirto,
kaliya waxaa fariinta aad dirto helaya oo aqrisan kara cida aad u dirtay fariinta.
Waxaad sidoo kale iska masaxi kartaa fariimahii hore
ee kuu soo dhacay iyo kuwa aadan rabin in ay kusii jiraan qeybta fariimaha kugu jiraan.
Submit article:
Marka aad login samayso waxaad noosoo diri kartaa maqaal, adigoo isticmaalaya link-ga submit
article, marka aad article noo soo dirto,
waan aqrinaynaa article-ka aad soo dirtay, kadibna haddii aan u aragno in lasii dayn karo, waxaan kusoo daabacaynaa webka, waxaana lagu soo qorayaa
magacaaga, magaalada/wadanka aad joogto iyo email-kaaga haddii aqristayaasha webka ay u baahdaan in ay kula soo xiriiraan.
Waxaad kale oo aad qeybta kuu qaaska ah ee macaamiisha ka argaysaa xaalada uu maqaalkaad soo dirtay marayo, in la daabacay,
in ladiiday iyo in uu wali sugayo ogolaansho
Waxaad kale oo aad qeybtaas ka ogaanaysaa inta maqaal ee aad soo dirtay iyo cinwaanadooda
iyo haddii la daabacay link-ga aad ka daalacan karto maqaalka.
|