New Member (Please Sign up)

It's free and anyone can join

Marka aad login sameyso waxaad isticmaali kartaa qeybo muhiim ah oo webka ka tirsan oo aan ugu talla galnay in ay isticmaalaan macaamiisheena.

Waxaa isticmaali kartaa:

  • aflax Chat, in aad la chat-gareyso asxaabtaada
  • Jadwalkaaga daruusta
  • In aad soo dirto maqaal
  • In aad fariin qaas ah u dirto (email) asxaabataada
  • In aad comment ku qorto asxaabtaada profile-kooda, i.w.m

Member Login

Not a member yet? Sign Up!






» Ninkii balanta ku qaaday in uu runta sheego

by: Hodan Xuseen - category: Sisters


Views: 21,769 | Print | Send |
Share:


Bismilaah asalaama caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu

Waxan jecleestay in aan halkan idiinku soo gudbiyo maqaal ay inoo soo diyaarisay Gabar walaasheen ah kaasoo aad inoo saameeyaa Aan aniga iska bilaabee waxaan Allaah ka baryayaa inuu nagu anfaco markan akhrisano kadib Nagana yeelo kuwo naftooda ka run sheega xusuusta RABIGOOD IYO DAR DAARANKII xabibkeena MUSTAFAA CALAYHI AFDALU SALAATU WA SALAAM . iminkana aan idinka tago maqaalki oo kooban Nafac badanna leh bi idnilaah..

Qofwalba oo bani aadan ahi khalad ayuu sameeyaa oo waa uu dambaabaa naftiisana waa uu dulmiyaa hadaba sidee baanu isaga daynaa waxyaabahaas dambiyadaas aanu galayno taas oo aanu ku mudanayno carada Allaah cazawajala .

Ma rabtaa in aad iska dayso dunuubtaas oo dhan ? bal hadaba kaalay oo ila aqriso qisadaan :

Nin ayaa maalin u yimid rasuulka (scw) waxa uu yiri . rasuul aloow waxa aan sameeyaa waxyaalo badan oo xun xun hadaba teebaan ugu horaysiiyaa oo aan iska daayaa

Rasuulka (scw) waxa uu ku yiri jooji in aad been sheegtid oo waligaa runta sheeg

Ninkii balan ayuu ku qaaday in uu sidaas yeeli doono gurigiisii ayuuna aaday .

Markii habeenimadii ay noqotay ayuu damcay inuu wax xado markaas ayuu soo xasuustay balantii uu rasuulka (scw) la soo galay waxa uu markaas is waydiiyay . hadii subaxii uu rasuulku (scw) iwaydiiyo xagee ayaad jirtay maxaan ku dhihi? Ma waxaan ku dhihi waxaan aaday in aan waxsoo xado? Maya saas ma dhihi karo , laakiin beena ma sheegi karo , hadii aan runta sheegana dadka oo dhami waa ay inici waxayna iigu yeeri tuug waxaana la igu xukumi xukunka tuuga oo gacantaa la iga jari.

Ninkii waxa uu go’aansaday habeenkaas in uusan wax xadin halkaas ayuuna isaga daayay dabeecadii xumayd ee tuugnimada.

Maalintii ayuu damcay in uu khamri cabo. Markaasuu isla hadlay oo yiri oo maxaan ku dhihi bari hadii uu rasuulku iwaydiiyo maxaad maanta samaysay? Been ma sheegi karo hadii aan runta sheegana dadku waa ay inici , waayo qofka islaamka ah looma ogola in uu khamriga cabo,markaas ayuu ka istaagay figradii qamricaba.

Sidaas ayuu ninkii markuu damco in uu wax xun sameeyaba uu u soo xasuusanayay balantii ahayd in uu runta uun sheego. Halakaas ayuuna mid mid uga takhalusay waxyaabihii xumxumaa oo dhan ilaa uu ka noqday islaam wanaagsan iyo shaqsiyad wanaagsan.

Alle kor ahaaye wuxuu yiri: Kuwa xaqa rumeeyoow! dhowra xilka iyo waajibkuu Alle idin saaray, oo ka mid ahaada run sheegeyaasha. Suuradda at-Towba: Aaayadda 119

Cabdullaah ibn Muscuud (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in nebigu (S.C.W.) yiri: Runtu waxay kugu hoggaamisaa dhabbaha samaanta iyo falalka suubban. Samaan falidduna waxay xaartaa jidka uu qofku u mari lahaa jannada. Markii uu qofku caadeystana inuu ku hadlo run waxaa Alle agti looga magacaabaa runlow. Beentuna waxay kugu hoggaamisaa xumaanta, xumaantuna waxay kugu hoggaamisaa wax xille falid iyo faajirnimo. Markii uu qofku been caadeystana waxaa Alle agti looga magacaabaa Beenlow" Bukhaari iyo Muslim .

Abuu Muxammad al-Xasan ibn Cali (A.K.R.) wuxuu sheegay inuu ka bartay ereyadan soo socda nabiga (S.C.W.): Ka tag wixii aad ka shaki santahay, oo raac wixii aan ku jirin laheynna shaki. Maxaa yeelay runtu waa raaxo qalbiga uu ku dego, beentuna waa welwel iyo welbahaar.Tirmidi Wuxuuna yiri waa xadiis saxiix ah.

Marka walaalayaal waxaan idinkula dardaarmayaa in aad runlowyaal noqotaan oo aad ku jihaadaan naftiina iyo shaydaanka.

Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu xaqa nagu sugo runlowyaalna naga dhigo oo nala soo saaro maalinta qiyaamaha sidiiqiinta iyo shuhadada.

Aamiin yaa rabi. 

 

TODAY'S PRAYER TIMES
PrayerCopenhagenOdenseAarhusMalmo
Fajr04:1304:2104:2204:11
Shuruq05:5406:0206:0305:52
Dhuhr13:1413:2213:2313:12
Asr17:0917:1717:1817:07
Maghrib20:3220:4020:4120:30
Isha22:0622:1422:1522:04

Featured Video


WHAT'S NEW

WEB STATE
Public Videos: 104
Public Articles: 43
Watched Videos: 1.070.488
Members: 7533
Newest Member: Masbal  

Online: 470 guests, 11 members